|
Boosaaso,(insidesomalia.org)- Dawlad Goboleedka Puntland ayaa shaaca ka qaaday Digniin ay ujeedisay Saxaafada Puntland ,taasoo ku aadan Sheegida Wararka Musharaxiinta utaagan xilka Madaxweynenimo ee Puntland waxaana maanta hadalkaasi looga dhawaaqay Magaalada Boosaaso.
Dawladda Puntland ayaa ugu baaqday Saxaafada Puntland in ay ka fogaadaan Shirarka iyo sheegida dhamaanba wararka ku saabsan Musharaxiinta dooneysa in ay qabtaan xilka Madaxweynenimo ee Puntland,waxaa hadalkan siweyn uga soo horjeestay qaar badan oo ka mid ah Suxufiyiinta Puntland.
Amar lasheegay in uu ka soo baxay Madaxweynaha Puntland ayaa la gaarsiiyey inta badan Idaacadaha ka howlgala Puntland iyo Wariyaasha Madax banana, waxaana looga digay sheegida wararka Musharaxiinta inkastoo aan la garan karin sida ay ku hirgasho arintaasi.
Wasiirka Warfaafinta Puntland oo ka hadlayey Magaalada Boosaaso, lana hadlayay Wariyaal gaaraya 30 Suxufi oo ku sugnaa Magaalada Boosaaso ayuu usheegay in ay qaataan Amarada Dawlad Goboleedka Puntland, ayna fuliyaan Wareegtada ka soo baxday Dawladda.
Warkan Dawlad Goboleedka Puntland ka yimid ee Saxaafada loogu digay ayaa umuuqda mid looga hor imaanayo fikirka Madax banana, waxaana dhawaanahaan socdey Olole balaaran oo ay wadaan Musharaxiinta doonaya in ay qabtaan Hogaanka Ismaamulka Puntland.
Waqtigan Boosaaso oo ay amaradan ka soo baxeen waxaa jooga Musharax Nuuridiin Aaden Diiriye oo ka mid ah Musharaxiinta dooneysa in ay xilkan qabtaan ,wuxuuna maanta la kulmay Isimada iyo waxgaradka Gobalkaasi oo uu waxyaabo badan kala hadlay.
|